U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Shaki Geliyey In Doorashada 2016 Ku Dhacdo Waqtigii Loogu Talagalay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulkaa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaki geliyey in doorashada 2016 ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay xilli madasha wadatashiga qaran ay shir ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Gaas oo la hadlayey VOA ayaa sheegay in laga yaaabo Labo dheeraad ah oo wax lagu hagaajiyo in lagu daro in kastoo madasha aanay weli go’aan soo saarin.

“Go’aan Kama Dambeys ah oo madasha kasoo baxay ma jiro laakiinse qiyaasteyda waxay ila tahay in waxa dhiman Labo bilood lagu dhameystiri doono, barnaamijka intiisa kale meel fiican buu maarayaa guddiyadii wey dhisan yahiin kuwa kale ee dhimanna waa ay soo dhameytirmayaan, waxaan is leeyahay haddii si fiican loo shaqeeyo Labo Bil gudahooda inay kusoo dhameystirmi doonto ayaan rajeynayaa”

C/weli Gaas waxaa wax laga weydiiyey waxa ka jira in xubnaha madasha ay isku qabteen xildhibaannada maaamulkaa Khaatumo matali lahaa iyo sida lagu soo xulayo, isaga oo arrintaaasi beeniyey ayaa hadane waxa uu meesha ka saaray jiritaanka maamul la yiraahdo Khaatumo.

“Wax ka jiro malahan, wax khaatumo la dhaho oo shirka lagaga hadlay ma jiraan, shirka si wanaagsan buu u socdaa, madaxdu wey wada shaqeynaysaa, wax dhib ah oo dhexdooda ka jiro malahan, wax kale oo lagu kala aragti duwan yahay ama caqabad ah oo jirana maleh”

Xubnaha madasha wadatashigaa qaran ayaa shir waxa uu uga soconayaa magaalada Muqdisho, iyadoo arrimo badan oo doorashooyinka, amniga la xiriira lagu falanqeynayo shirkaasi.

Goobjoog News