U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyeyaasha Booliiska Iyo Birmadka Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo kuwa Birmadka ee maamulka Puntland.

C/laahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa saxaafadda u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday Taliyeyaashan.

Taliyahii ciidanka Booliiska Puntland Sarreeyo Guuto C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud) iyo taliyaha ciidanka Birmadka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow) ayaa xilalka laga qaaday kadib markii la sheegay in ay wada shaqeyn waayeen islamarkaana dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmarayna uu sababay inay dagaallamaan ciidamo iyaga kala taabacsan halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Madaxweyne Gaas ayaa xilka Taliyaha Booliiska Puntland waxa uu si KMG ah ugu magacaabay C/risaaq Shire Faarax Ereg.

5-tii bishan waxaa magaalada Boosaaso ku dagaallamay ciidamo kala taabacsan taliyayaasha xilkaan laga qaaday waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana dhaawacmay wasiirka Amniga Puntland.

Goobjoog News.