U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Ku Eedeeyey Villa Somalia Xadgudubyo Dastuuri Ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey sanadguurada 22aad ee dowlad goboleedka ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyey iney la timid xadgudbyo dhanka dastuurka ah isaga oo intaa raaciyey in sidoo kale ay sharci darro tahay dhismaha guddiga adeegga dastuurka.

Mudane Saciid Deni oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamto Dastuurka, muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socda xadgudubyo dastuur oo dhowr ah, kuwo horay ayaan u sheegay ma rabo inaan ku noqdo, kuwa hadda socda waxaa ka mida xukuumaddii dhacday oo sida sharci darrada ah loo riay oo sida sharci darrada ah ra’iisalwasaaraha hadda xilka sii hayo uu ku joogo oo dadkoodii indhuhu ka fiirsadeen. Hadda ayey waxay sixiixeen golaha adeegga Garsoorka oo qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya oo hey’adda sedexaad ee aasaaska u ah weliba sharciga oo weliba uu ka dhalan doono hey’addii maxkamaddii dastuuriga ah, Sida sharci daarada ah ee loo maray iyo iyaga oo awood u laheyn in ay sixiisaan oo garyaqaanadii ay ka qaylisay, oo bulshada rayidka ah ay kaqeyliyeen oo cid weliba ay sheegtay waxaan leeyahay dowladda Soomaaliyeed aniga oo dhahaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arrintaa haka digtoonaato , dalkaan hadda ayuu soo kabanayaa yaan dib loogu celin kala burburkii, qodobkaas waa qodob muhiim ah.

Mar uu ka hadlayey Kheyraadka iyo Shidaalka:  Arrinta ku saabsan kheyraadka iyo Shidaalka yaan lagu kadsoomin, caalamka waxaan u sheegayaa hantida umadda Soomaaliyeed iyadoo heshiis ku aheyn ciddii gadata ayaa mas’uul ka ah, Puntland waxaa ay sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la yeegaayey cid kuma darsan, dowaladda hadda afarta bilood u hartayna, haddii ay ra’iisalwasaare sax ah haddii ay soo magacowdaan in ay arrintaas isku mashquuliyaan maahan.

Arrinta magacaabista ra’isul wasaaraha waxaa uu madaxweyne Deni ka yiri “Ra’iisalwasaaraha uu soo magacaabayo xukuumaddiisu waxaa laga rabaa muddo xileedka dhiman dalka in ay doorasho geliyaan, wax kale in ay wqti ku dhumiyaan lama rabo arrintaasna waa fariin cad aan tabo inaan dowladda Soomaaliya aan  diro, waxaana rajaynaa sidii lagu balansanaa inuu shirkii Dhuusamareeb uu u qabsoomo oo dowaldda iyo dowladaha xubnaha ka ah ay isku yimaadaan  oo niyad sax ah lala yimaado markii hore niyadsami ayaan ku tagnay laakiin hadda dowladda xisaabtan ayaan la geli doonna niyad wanaagii iyaga ayaa ku ciyaaray  waa la xisaatamayaa dalkana si sax ah ayaa la rabaa in danihiisa looga shaqeeyo  cid ci marti uga ah ma leh dowladda weliba danaheeda ayaa la rabaa in ay dhiibato waxa dadka danta u ah aay ka hadasho waan rajaynayaa Soomaali isku duuban oo marxaladaan ka gudubta in la helo

Ugu dambeyntii,  waxaa uu madaxweyne Deni yiri “Waxaan ku soo gabagabeynayaa baaq aan u dirayo dadka Soomaaliyeed meel weliba ay joogaan in dalkooda ay u naxaan danihiisa ay ka shaqeeyaan duruufaha adag ee soo wajahana ay mid ka noqdaan. Puntland haddii aan nahay Maxamed Gaarad Shirwac uu igu yiri inaan mar weliba aan ka shaqeyno danaha umadda, oo aan u dhimrino oo annagu marweliba aan dulqaad muujino. laakiin waxaan rajaynayaa wixii qalad ku ah Soomaali iyo Puntland inaan ka hadalno ayaan rabnaa inagoo hadda ixtiraamayno waxaana rajaynayaa in intaas nalala garto hadalkeenna waxaa uu ku aadan yahay waa wax dhis waa Soomaali midaysan waa Soomaali Demuquraadi ah waa Soomaali federaal ah .

Goobjoog News