U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Ayaa Furay Kal-fadhiga 47-aad Ee Golaha Wakiillada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in Xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Daawo Warbixin Ku Saabsan  Furitaanka Kal-fadhiga 47-aad Ee Golaha Wakiillada 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/447681609541981/

Goobjoog News