U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ruushka Iyo Turkiga Oo Muddo Kadib Yeeshay Xiriirkoodii ugu Horeeyay Ee Telefoon

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin  ayaa xiriirkii ugu horreyay ee  teleefoon la sameeyay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waana xiriirkii ugu horreyay ee taleefoon muddo kadib markii uu xumaaday xiriirka labada waddan 24 November 2015-tii.

War kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Labada waddan iyo iney wadahadalka joogteeyaan kulan fool ka fool ahna ay yeeshaan.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa ballan qaaday iney dhawaan saxaafadda usoo gudbin doonaan faahfaahinta wadahadalka Labada madaxweyne.

Dhanka kale, madaxweyne Putin ayaa  tacsi u diray shacabka Turkiga oo maalinimadii shalay  weerarro is miidaamin ah ay kaga geeriyoodeen illaa 36 qof, 147 kalena ay ku dhaawacmeen, weeraradaas oo  ka dhacay garoonka duulimaadyada caalamiga ah ee Ataturk Airport .

Maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweyne Racep Tayyip Erdogan uu tacsi u diray eheladii  uu ka geeriyooday duuliyihii Ruushka ee la socday diyaaraddii ay Turkigu soo rideen ee Su-24, taas oo isku soo dhaweysay xiriirkii Labada waddan iyadoo la sheegay in uu Turkigu diyaar u yahay inuu fuliyo dhamaan shuruudihii uu Ruushku ku xiray soo celinta xiriirka Labada waddan.

Goobjoog News