U bood dhigaalka

Madaxweynaha Shiinaha oo Facebook Sameystay Xilli Dalkiisa uu Ka Mamnuucay

Madaxweynaha Shiinaha Xi jinping oo haatan ku sugan shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee Newyork ayaa ku dhaaqaqay arin dadkiisa la yaab ku noqotay.

Madaxweynaha ayaa sameyntay Bog Facebook ah xilli dalkaasi oo mamnuuc ka yahay Facebook.

Sawiro iyo Codad laga duubey Madaxweynaha iyo waftiga la socda ayaa lagu soo daacabay Bogaas oo loo sameeyay safarka Madaxweynaha, kulan isaga iyo xaaskiisa ay la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo sawiro kale.

Sawirada Bogga Madaxweynaha lagu soo bandhigay waxaa kaloo ka mid ah iyadoo Madaxweynaha uu kulan la qaatay, ninka iska leh Facebook Mark, sawirada labadooda ayaa la soo galiyay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa soo bandhigay Casho sharaf uu ka qeyb galay, isagoo dhageysanaya heesta calanka Shiinaha oo caruur Mareykan ah ay qaadayaan.

Shiinaha ayaa Mamnuucey Facebook iyagoo ku tilmaamay Dabri Naaziga, waxaa kaloo Shiinaha uu mamnuucay Google iyo Twetter.

Hogaamiyaal badan oo Caalamka ah ayaa isticmaalo Facebook sida Madaxweynaha Mareykanka oo Saaxiibadiisa xagga facebook ay gaarayaan ilaa 45 Milyan, Ra’isul Wasaaraha Jarmalka 1.5 Milyan halka Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska uu leeyahay 750 Kun oo saxiib.

Arinta si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha uu soo bandhigo Madaxweynaha Shiinaha waxaan arki doonin ilaa 1.3 Bilyan oo dadkiisa ah oo ku dhaqan gudaha Shiinaha.