U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Burcad Badeed ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamullka Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis Burcad badeed Soomaali ah oo  laga soo wareejiyey dalka Seycheles waxaa ayna  ku xukunaayeen  xabsiyo kala duwan kadib markii lagu helay falal Burcad badeednimo ah mudana ay xabsi ku soo qaateen Seycheles.

Maxaabiistan madaxweynuhu cafiska u fidiyay ayaa tiradoodu gaareyso 19 maxbuus oo  ka mid ahaa maxaabiis wadanka Seycheles lagu xukumay balse markii dambe loo soo wareejiyay xabsiyo ku yaal Somaliland si ay ugu dhamaystaan xabsigii lagu xukumay.

Haddaba, Qoraalka Madaxweynaha wuxuu u qornaa: “Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;”

“Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas.”

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xiran falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:
1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8) Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10) Nuur Maxamed Aadan
11) Jamaal Maxamed Cali
12) Cali Maxamed Cali
13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
14) Cabdi Tahliil Xasan
15) Daahir Cabdillaahi Warsame
16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
17) Cabdinuur Xaaji Aadan
18) Maxamed Maxamuud Xasan
19) Abuukar Axmed Ciise

Goobjoog News