U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi U Magacaabay Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadyada

Sheeko:War

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi u saaray sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadii ka dhalatay mudaharaadyadyo dhowaan ka dhacay magaalooyin Haygeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi.

Guddiga ayaa waxaa la faray qodobo ay kamid tahay Soo ururinta sababihii keenay mudaaharaadyadii dhacay, iyo Cidda eedda iska leh  Khasaarihii ka dhashey mudaaharaadka, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo ciidan, guddiga ayaa ka kooban 5 xubnood.

Guddigaan ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, waxaana xusid mudan in golaha wakiillada iyo xisbiyada mucaaradka ay guddiyo sidaan oo kale, waxaana la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto isjiidjiidka u dhaxeeya labada dhinac xukuumadda iyo mucaaradka.

Khasaaraha ka dhashay mudaharaadyadii ka dhacay magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa waxaa ku naf waayay sedex ruux oo shacab ah, halka ay dhaawacmeen 27-kale, waxaa sidoo kale jiray dhaawac soo gaaray askar ka tirsan laamaha amniga oo gaaray 62 askari.