U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Darar-weyne, Sanaag

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muusi Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Dar-dar-weyne ee Sanaag.

Mr. Biixi oo bartiisa Faceboogga qoraal soo dhigay waxaa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag inay joojiyaan dhiigga dhexdooda ku daadanaya’

Madaxweyne Muuse oo sii hadlaya waxaa uu intaasi raaciyay“walaalayaal wixii is maan-dhaaf ah aynu ku dhammaysanno tanaasul iyo is xaq-dhawr, nabadda iyo walaaltinimada dhexdeenna ahna aynu tixgelino.”

Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Walaalayaal dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho”.

Dagaal beeleedyo ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Sool, arrintan oo xasilooni-darro iyo dhibaato u keentay dadka deegaanka.

muusaa

Goobjoog News