U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddi Ka Shaqeeyo Ka Hortagga Coronavirus

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne.

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.

Goobjoog News