U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Oo Soomaalida Kula Taliyay In Ay Ka Haraan Arrinta Qalbi-dhagax, Sharciga Itoobiyana U Daayaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar oo arrintaasi ka hadlaayo waxaa uu yiri“Xaaladda Cabdikarim lagaga hadlaayo waxaa la isweydiinayaa Cabdikarim waa kuma? Cabdikarim waa nin dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dhashay, booliiskii ugu horeeyay ee deegaanka ka mid ahaa, kadib dhibaato ayuu sameeyay, dil, dhac iyo kufsi uu sameeyay ayuu duurka la galay, oo ururka nabad-diidka UBO ka mid noqday, gobolka Dolo ayuu u dhashay gaar ahaan degmada Wardheer, deegaanka dhibaatooyin badan ayuu ka geystay illaa Shabeelle, arrintiisa iyo xaaladiisa waxaa ay u taalla xaaladda dalka Itoobiya, hey’adaha nabad-gelyada, mas’uuliyiinta dowladda iyo cidda ay khuseyso, waa nin sharciga hoos jooga”.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu sheegayaa in Cabdikarim oo loo ooyo ay la mid tahay iyada oo loo ooynayo  Al-shabaab iyo kooxaha kale ee sida uu sheegayo argigixisa ah ee ku xiran dibadda, isaga oo soo jeediyay in dhaawicii Cabdikarim ee 77 inta laga hadli lahaa ay haboon tahay in laga hadlo waxa ay Al-shabaab u geystaan ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa uu Soomaalida u soo jeediyay in ay ka fakiraan 30 dal ee dalkooda jooga, soona celiyaan qaranimada, madaxdooda ixtiraamaan, oo ay sameysato dowlad kala dambeyn leh.

Goobjoog News