U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Baarlamaanka Hirshabeelle

Sheeko:Baarlamaanka

(Villa Somalia)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi.

“Doorashada guddoonka baarlamanka ee maamulka cusub ee HirShabeelle waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatey shacabka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulkan dhistay. Waxay tani qeyb ka tahay dhameystirka maamulka ay yeelanayaan labadan gobol”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu xusay in nidaamka baahinta xukunka ee dalka ka socda uu yahay mid adeegyada kala duwan ee bulshada u dhoweynaya shacabka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay idin la qeybsaneysaa farxadda horumarka la taaban karo ee laga gaaray dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle. Waxaan idin caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay idin garab taagan tahay. Dhismaha maamulkan waxaa uu idin sahli doonaa inaad heshaan dhammaan xuquuqaha ay leeyihiin maamullada kale ee dalka ka jira”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey maamulkan cusub ee HirShabeelle inuu kaalinta kaga aaddan ka qaato hannaanka doorashada 2016-ka ee dalka ka socda.

———————-DHAMMAAD——————–