U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya waxaan ciidan nabad ilaalin u direynaa Burundi

Sheeko:Dalka

Adis Ababa waxaa ku soo dhammaaday shirka midowga afrika, waxaana shirka dhinac socday shir uu shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh oo looga hadlayay xasi looni darrada dalka Burundi, gabagabada shirka ayaa waxaa wareysi la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya BBC-da qeybta Afrika waxayna weydiiyeen su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin.

Maxaa midowga afrika ay ugu diriwaayeen Burundi ciidamo nabad illaalin ah?

Ciidamo ka socda bariga Afrika ayaa loo diyaariyey iney aadaan halkaas ulajeedaduna ma aha in halkaas loo tago sidii in ciidamadu ay yihiin kuwa dagaalamaya laakiin waa ciidamo fududeynaya wadahadalka islamarkaana illaaliyaan inaan dayacnaan dhicin.

Si kastaba go’aankii aan ku gaarnay kulankaas shalay wuxuu ahaa in arrintaas la sameeyo iyadoo dowladda Burundi ay ku qanacsantahay haddii dowladda Burundi aysan dooneyn ciidamadaas ma jirto waddo aan ku qasbi karno waxaa kaloo jira isna go’aan kale kaasoo tilmaamaya intii aynaan qaab militeri ku wajahin xaaladda waa inaan halkaas u dirnaa wafdi heer sare ah oo ka socda madaxda wadamada Africa si ay ula fariistaan madaxweynaha Burundi lana hadlaan si ay dhiirigelyaan si loo wadaago waaya aragnimada aan leenahay lana fududeeyo oo la taageero sidii loo abuuri lahaa wadahadal u dhaxeeya bulshada reer Burundi.

Waxaan aaminsanahay in Burundi ay tahay dal madax-bannaan xaq ayey u leedahay iney aayaheeda ka fikirto Burundi ma aha dal burburay haa waa jirtaa dhibaato hadda waxaana aaminsanahay in dowladda Burundi ay dhibaatooyinkan wax ka qaban karto lkn anaga waxaan halkaan u joognaa inaan taageerno.

Miyaadnaan ka gaabin in ciidamo loo diro Burundi?

Maya kuma fashilmin,  arrintaana weli ma dhammaan waa geeddi socod gobolku billaabay waxaana sii wadnay hawsha awalba socotay waan dhameystiraynaa waana aadeynaa halkaas waana la wadaageynaa walaaceena dowladda Burundi si aan u gaarsiino taageerada ay naga doonayaan marka ma aha in wax la yareystay lkn waa geeddi socod fursadaasna weli waa jirtaa waxaana aamisanahay inaan wax muuqda ka qaban karno dhibaatada Burundi.

Side uga dhaadhicin kartaan madaxweyne Inkurunsiisa inuu ogolaado ciidamo la geeyo Burundi iyadoo aan ognahay in wadamada gobolka aysan isku wada raacsaneyn arrintan?

Waa ogtahay gobolka arrintaan iskuma wada raacsana lkn ma aaminsani in gobolku uu isku qilaafsan yahay in la taageero Burundi midda kale ma jiro dal gobolka ku yaal oo xiise u qaba dhibaatooyinka Burundi ama burbur ka dhaca Burundi ama dagaal sokeeye qof kasta arrintaas waa ka naxsanyahay waxaana rajeyneynaa ineysan dhicin sidoo kale waan ku kala duwan nahay qaabka wax loo xallinayo lkn natiijada ugu dambeysa waxay nqon doontaa mid aan la isku qilaafin taasina waa midda muhiimka ah.

Waxaad madaxweyne u tahay dal dhibaatooyin badan ay haystaan Burundina ciidamada ka socda AU ee Soomaaliya jooga ayey qeyb ka yihiin marka side u dareemeysaa waxa ka dhacaya Burundi?

Soomaaliya waa meesha ugu wanaagsan ee wax laga baran karo marka la fiiriyo cawaaqibka uu leeyahay qilaafka kaasoo gaaray 26 sano waana waqti dheer lkn waa soo aragnay dhammaan wax kasta oo xun ee ka dhici kara deegaan qilaaf uu ka jiro sidoo kale waxaan leenahay waaya aragnimada aan uga bixi karno qilaafka waxaana leenahay waaya aragnimada dib u heshiisiinta, wadahadalka iyo waaya aragnimada inaan ka heshiin karno arrimaha ugu waaweyn ee saameynta ku yeeshay xasilloonida dalka waxaan nahay maktabad loo soo raadsado waaya aragnimada waxaana diyaar u nahay inaan la wadaagno afrika inteeda kale