U bood dhigaalka

Madaxweynaha Suudaan Oo Booqasho Ku Jooga Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa gaaray caasimadda dalka Qatar ee Dooxa halkaasi oo uu kulan ku layeelan doono dhiggiisa Sheikh Tamiim Binu Xamda.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda ku aadan dhinacyo dhowr ah.

Al-bashiir ayaa gaaray Dooxa isaga oo ka yimid dalka Kuwiat ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku joogay labo maalmood waxaa uuna sidoo kale kulamo la soo qaatay amiirka dalkaasi.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibraahim Gandoor ayaa amaanay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Suudaan iyo Qatar kaasi oo ku qotoma dhinacyo kala duwan.

Waxaa la tilmaamaa inay gaareyso heerka maalgashiga Qatar ee hadda ay ku leedahay Suudaan inuu gaarayo in ka badan labo milyan oo doolar, waxaana la filayaa inuu kobco maalgashigaan oo uu gaaro saddex milyan isaga oo soo hoos galayo dhinacyada maalgashi oo ay Qatar ka wado Suudaan.

Goobjoog News