U bood dhigaalka

Madaxweynaha Tanzania oo jeediyay Hadallo Yaab Leh oo Ku Saabsan Fayraska coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweyne John Magufuli , ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay kaniisad ku taala Chato, waqooyi galbeed Tanzania maalintii Axadda ahayd sheegay in wiilkiisa uu ka bogsooday Covid-19 kaddib markii uu isticmaalay liin, sinjibiil uuna sameeyey jimicsi badan.

Balse ma jiraan cadaymo sheegaya in taasi ay tahay daawada coronavirus sida ay dhakhaatiirta sheegeen Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, ayaa isla halkaas ka sheegay in tirada kiisaska cudurka corona ee dalkiisa ay hoos u dhaceen kaddib markii ay “Ilaahay baryeen.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in iskuulada iyo jaamacadaha dib loo furi doono isbuucan wuxuu dhanka kale uu ka hadlay qorshe ay dowladdiisa ku qafiifinaysa karantiilka la geliyo dadka dalkiisa soo galaya.

Dalka Tanzania kama jiraan tallaabooyin adag mana saarna xayiraad sida dalalka kale ilaa iyo hadda Tanzania waxa ay diwaangelisay 509 kiis halka ay cudurka corona u dhinteen dad gaaraya 29 qof.

Goobjoog News