U bood dhigaalka

Madaxweynaha Tunisia: Dastuurka Waxaa Saldhig u ah Diinta waa Khalad, Dhaxalka Waa In Loo Simmaa Rag iyo Dumar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Tunisia Maxamed  Baaji Essebsi oo ayaa maanta sheegay in ay tahay in wax laga badalo xeerarka jira gaar ahaan xeerka qoyska, isla markaanna ay tahay in la simmo dhaxalka ragga iyo dumarka.

Essebsi waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dhaxalka in loo sinnaado, waa sinnaanta ugu muhiimsan, arrintaas go’aan ayaan ka gaarney, ugu horreyn waxaa nagu waajib ah inaan badalno xeerarka “ Xeerka qoyska”.

Madaxweynaha Tunisia waxaa uu leeyahay “Dastuurka waxaa saldhig u ah diinta..waa khalad isaga oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Xiriir lama lehin diin, sheekooyinka Qur’aanka iyo xataa sheekooyinka aayadaha Qur’aanka, waxaan ku dhaqmeyntaa dastuurka ay xeerarkiisa amar yihiin, waxaan nahay dowlad madani ah! Oraahda dhaheysa “Dastuurka waxaa saldhig u ah diinta” waa khalad, weliba Khalad fool-xun!! Isaga oo soo-jeediyay in dastuurka wax laga badalo“Waxaa soo-jeedinaa in sinnaanta dhaxalka laga dhigo xeer, dastuurka ayaa na xukuma, waa awoodda ugu sareysa ee laga soo saaro xeerarka,”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu soo-jeediyay in xuriyad la siiyo qofkii rabo inuu si dhaxalka u qeybiyo qaab islaami ah“Qofka la dhaxlayo haddii uu doonayo inuu dhaqan-geliyo shareecada dadka isaga dhaxlaya, ha sameeyo, qofkii jecel in dastuurka loogu dhaqmo sida uu yahay, ha sameeyo, qofkii la dhaxlaya ee doonaya inuu dhaxalka u simmo wiilkiisa iyo gabadhiisa, waa uu sameyn karaa..waa suuragal, sidan iyo sidaas. Qofka la dhaxlayo hadduu rabo sida ay diinta qabto, waayo sidaas ayuu saldhig u arkaa, waa sameyn karaa”.

Goobjoog News