U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka lagu dhisayo maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa furay shirka lagu dhisaayo maamulka loo sameynayo Koonfur Galbeed ee Sedaxda ah.

Shirkaan ayaa lagu doonayaa in lagu dhiso maamulka ka arimin doona Sedaxda gobal ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha, waxaana furitaanka shirkaan sidoo kale ku sugnaa madax beesha caalamka ka socotay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Key oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay taageero buuxda siin doonaan shirkaan, sidoo kalena ay bixinayaan qarashka shirkaasi ku baxa.

Sidoo kale waxa uu ku dhiira geliyay 380 ergo ee ka qeyb galaya shirkaasi in ay dhabarka u xirtaan sidii ay ku dhisi lahaayeen maamulkaan, isaga oo ugu hambalyeeyay halka shirka ay soo gaarsiiyeen.

Safiirka Denmarka ee Soomaaliya oo ka mid ahaa martida shirka ayaa isna hadal uu jeediyay waxa uu sheegay in bisha November ay dalkaasi ku qaban doonaan shir Soomaaliya dhaqaale loogu uruurin doono.

Dhanka kale mas’uuliyiinta halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku dheeraaday ka hadlay muhiimadda shirkaan uu u leeyahay bulshada ku dhaqan Sedaxda gobal ee maamulkaan loo dhisaayo.

Gudoomiye Jawaari waxa uu sheegay in Odayaasha ay ku dadaaleyn in maanta ay soo gaarsiiyaan heerkaan uu shirka ku furmay, waxaan uu ugu baaqay in dadaalkooda ay sii laba jibaaraan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqayay in shirka uu furan yahay ayaa dhanka kale sheegay in Waxgaradkaan laga doonayo inay ka fikiraan aayaha shacabka ku dhaqan gobalada Shabeelaha Hoose, Bay, iyo Bakool.

Amaanka guud ee magaalada Baydhaba, maanta waxa uu ahaa mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu soo daadiyay ciidamo isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Goobjoog News