U bood dhigaalka

Madaxweynaha Yemen oo Kulan Sagootin ah La Qaatey Safiirka Soomaaliya Dalkaasi

Sheeko:Caalamka

Naaji iyo HaadiMadaxweynaha Yemen Cabdul Rabuu Mansuur Haadi aayaa kulan sagootin ah la qaatay safiirka Soomaaliya dalkaasi Ismaaciil Khaasim Naaji kaasi oo waqtigiisii safiirnimo uu dhamaaday, kana soo laabanaya dalkaasi.

Madaxweynaha Yemen ayaa safiirka u xaqiijiyey sida wali ay Yemen oga go’antahay in ay barbar taagnaato Soomaaliya illaa inta laga soo celinayo amniga iyo nabadda.

Wuxuu madaxweynaha amaanay dadaaladii uu sameeyey intii uu safiirka ahaa iyo sidii uu uga shaqeeyey xiriirka labada dal.

Safiirka ayaa dhankiisa madaxweynaha u sheegey sida ay ugu faraxsanyihiin walaalnimada dadka reer Yemen.

Goobjoog News