U bood dhigaalka

Madaxweynaha Yurub Oo Berri Ku Wajahan Xuduudka Turkiga Iyo Giriigga

Sheeko:Caalamka

Iyada oo maalmihii tagay dowladda Turkiga ay sheegtay in uu furan yahay xuduudka ay la wadaagto wadanka Giriiga ayaa muhaajiriin fara badan oo ku sugnaa gudaha Turkiga  iyo kuwo ka yimid qalalaasaha ka jira wadanka Suuriya waxaa ay bilaabeen in ay soo buux-dhaafiyaan xadka, iyaga oo doonaya in ay galaan qaarada Yurub.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhowaan waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii Midowga Yurub 2016-kii lagu heshiiyey in muhaajiriinta la qeybsado, madaxweynaha ayaana sheegay in dalkiisa uu wajahayo culeysyo badan oo qulqulka dadka Muhaajiriinta ah, isaga oo xusay in dowladda Turkiga aysan awoodin joojinta Muhaajiriinta , sidaas darteedna ay go’aansadeen in xadka wadankooda ay u furaan.

Qaxootiga magangalyo doonka ah ayaa markii ay ogaadeen in dowladda Turkiga ay furtay xadka dhanka dhulka ah oo ay la wadaagto Yurub waxaa ay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka Turkiga halaasi oo ay uga sii gudbayaan Giriiga, ciidama xuduudka ee dalkaas ayaana bilaabay in qaxootiga ay u diidaan in ay galaan dalkooda, muhaajiriinta oo u badan caruur iyo haween ayaa dhibaato ku wajahaya xadka Giriiga uu la wadaago dalka Turkiga.

Madaxweynaha midowga Yurub Sharek Michel iyo Raiisal wasaaraha wadanka Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa lagu wadaa in maalinimada barito ah ay booqdaan xuduudka  labada dal, iyaga oo qiimeyn doona xaaladaha  dhabta ah ee ka taagan halkaasi sida uu madaxweynuhu ku soo qoray qoraal uu soo geliyey bartiisa Twitter-ka

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu  taageersan yahay qorshaha ilaalinta xuduudka Giriiga halkaas oo ay kumanaan Muhaajiriin ah ay  doonayaan in ay uga gudbaan dhinaca dalalka kale ee yurub, kaas oo marin u ahaa muhaajiriinta, waxaana lagu wadaa in madaxweynuhu arrintaan kala hadlo ra’iisulwasaaraha Giriiga, kulankaas oo ay kaga arrinsan doonaan qorshaha ugu haboon ee laga yeeli karo Muhaajiriinta.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in waddankiisu albaabadiisa u furay qaxootiga doonaya in ay u gudbaan dalalka Yurub, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda Turkiga aysan lahayn tabar ay ku xakameeyaan qulqulka tahriibayaasha.

Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Turkiga Suleiman Soylu oo warbixin ka soo saaray tahriinbayaasha wuxuu shaaciyayay in tirada muhaajiriinta ka tagay waqooyiga magaalada Edirne ee dalka Turkiga oo xigta dhanka Yurub ay gaarayaan 100,000 qof oo muhaajiriin ah.

Goobjoog News