U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Asad iyo Puntin oo Ku Kulmay Ruushka

Sheeko:Dalka

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Kirimilinka, Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa talaadadii booqasho ku tagay dalka Ruushka si uu wada hadal ula yeesho dhigiisa Ruusha Vladmir Putin.

Labada nin ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arinta Daacish, Ruushka ayaa Bishii September waxaa yy Suuriya ka bilaabay duqeyn ka dhan ah Daacish.

Afahayeenka Kimilinka kama hadlin in Asad uu joogo Moscow iyo in uu ka laabtay, lakin waxaa lagu sheegay in ay aheyd booqasho Kadis ah.

Waa Booqashadii ugu horeysay ee Asad uu ku tago dalka Ruushka tan iyo markii ay bilaabatay Kacdoonka dadka reer Suuriya ee ka dhanka ah Asad.

Madaxweynaha Suuriya ayaa ku amaanay Ruushka sida wacan ee dadkiisa iyo dalkiisa u garab istaageen, isagoo sheegay in haddii aanay ahaan lahen faragalinta Ruushka ay Argaggixisada ku faafi laheyd dalkiisa.

Dhankiisa Putin ayaa amaanay Ciidanka Suuriya isagoo sheegay in ay iska caabiyeen aragigixisada.