U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka Oo Soo Wada Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxa ay dhammaantood ka qeybgali doonaan shir wada tashi ah oo ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo la doonayo in looga arrinsado arimaha ku saabsan hanaanka doorashooyinka 2016 iyo arrimo kale oo dhanka siyaasadda ah.

Sidoo kale waxaa shirkani looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafyada jira iyo in la xalliyo wax walba oo lakala tabanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ayaa shirkaasi ka qeybgali doona.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News