U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Maamullada Puntland Iyo K/galbeed Oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo K/galbeed ayaa maanta waxay gaareen degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa madaxdan kusoo dhoweysay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale soo dhoweyntooda ka qeybgalay shacab aad u badan.

Ulajeedka ay u tageen Dhuusamareeb ayaa ah iney goob joog ka noqdaan dhammeystirka heshiiskii Ahlu-sunna Waljameeca iyo Galmudug.

Ammaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi tahay mid aad u mashquul ah.

Goobjoog News