U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug Oo Qaatay Go’aankii Ugu Dambeeyay Ee Nabadda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo kusoo gabagaboobay shir ballaaran oo la’isugu keenay madaxweynayaasha Galmudug, wasiiradooda iyo saraakiisha kala hogaaminaysay ciidankii ku dagaallamay Gaalkacyo.

Madashaasi waxaa ku sugnaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xubno ka mid ah golahiisa wasiirada, Odayaal dhaqameed, Culimo, waxgarad iyo madaxda maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ugu horeen mar kale ayaa la dhaariyay Labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug, waxaana ay si kama dambeys ah u sheegeen inay diyaar u yihiin nabad ka dhalata Galkacyo, waxaana saraakiishii Labada dhinac ee dagaallada kala hogaaminayay ku amreen in ciidanka la kala qaado.

Labada Madaxweyne Gacmaha ayeey is qabsadeen iyaga oo dhoola cadeynaya, waxayna sheegeen in sidaan oo ay yihiin kusoo dhex lugeyn doonaan xaafadaha Gaalkacyo ee Labada dhinac, si bulshada ugu muujiyaan in heshiiska uu yahay mid daacad ah.

Waxay sheegeen in quraacda ay kasoo cunayaan dhanka Galmudug, dhanka Puntland ay kasoo qadeyn doonaan, magaalada ay noqon doonto mid nabad ah oo shacabka isku gudbaan.

Dhinaca kale waxaa hadda socda kulan ballaaran oo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo koonfur galbeed Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan la qaadanayaan golaha wasiirada ee maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxyaabahan ka socda Garoonka Gaalkacyo saxaafadda waxay ka tahay dibad joog, waxaana xusid mudan in ay isku dhex milmeen ciidamadii madaxda Puntland iyo Galmudug sida gaarka ah u ilaalinaysay.

Waxay hadda u muuqataa mid gabi ahaanba soo gunaanadi doonta  colaadii magaalada Gaalkacyo, iyadoo goor dhaw si rasmi ah loo kala qaadi doono Labada ciidan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News