U bood dhigaalka

Madaxweynayaashii Hore Ee Dalka Oo Ku Wajahan B/weyne

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaraan madaxweynayaashii hore ee dalka.

Kulan degdeg ah oo xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda madasha xisbiyada qaran ayaa lagu magacaabay guddiga gurmadka Fatahaadaha, waxaana wafdiga maanta tagaya B/weyne hoggaaminaya Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran.

Sidoo kale, waxaa wafdigan qeyb ka ah madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo madasha ka tirsan.

B/weyne ayeey geyn doonaan gurmadka ay ugu talogaleen shacabka dhibaatada ay kasoo gaartay fatahaadda Wabiga Shabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News