U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe: Madaxda Dowladda In Waqtigooda Dhammeystaan Baan Rabnaa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin wadahadallo ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madoobe oo Munaasabad xalay ka dhacday Kismaayo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka yihiin waalidkii, islamarkaana loo baahan yahay in wixii kala tabasho ah la xalliyo, bedalkii buuq iyo kala aragti duwanaanshiyo lagu jiri lahaa.

“Saaxiibadey, madaxda dowladda federaalka waan ogolnahay, waa madaxdayadi, xafladdan iney nagala soo qeybgalaan ayaan jeclayn inkastoo uu Abshir matalayo, wadankaan iyagaa xukuma, iyagaa waalid ah, iyagaa laga rabaa mas’uuliyadda iney qaataan oo wadankaan hagaan, annagu khilaaf ma wadno, xumaantadooda kama shqeyneyno, wanaag baan rabnaa, hoggaamintooda baan rabnaa, waqtigooda iney dhammeystaan baan rabnaa, kuwa damaca kaga jira iney doorasho sidii shalay nin walbo ku yimid inuu ku yimaado baan rabnaa ee aan ilaalinno midaanna aan ka shaqeynno…wixii xumaado maanta mas’uuliyaddeeda waxa iska leh madaxda dowladda federaalka sababtoo ah iyaga ayaa waalid ah.. waxaan diyaar u nahay cid walbo oo wax inaga tabeysa inaan ka garbaxno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

DFS ayaa diiddan Axmed Madoobe, kadib markii ay waxbo kama jiraan ku sheegtay doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News