U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe”Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Waxaan Karajeynaa Inay Xal U Noqdaan Buuqa Siyaasadeed”

Sheeko:Cayaaraha
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay Kooxda kubbadfa cagta Jubaland ee ka qaybgalaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,kaas oo dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Madoboo aayaa ciyaartooyda,macallimiinta iyo maamulka sare ee kooxda Jubaland u rajeeyay in mar kale ay guulo ka gaaran tartankan,isagoo ku booriyay inay la yimaadan ciyaar wanaag sidii lagu yaqaanay,maadama ay iyaga yihiin kooxda xafidanaysa tartanka Maamul Goboleedyada 2017.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Jubaland ay caan ku ahayd ilaa xiligii bari samaadka guulaha tartamada kubbadda cagta isla markana loo baahan yahay taas in la ilaaliyo sidii ay u noqon lahayd wax sii jira.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dadaalka ay muujiyeen mudadii ay socotay diyaar garoowga xulka isagoo xusay in ay ahayd shaqo muhiim ah tababaradii iyo carbintii xulka uu ku jiray wakhtiyadii lasoo dhaafay.
Daawo Madaxweyne Madoobe Iyo Dardaarankii Kooxda Jubaland
Mawduucyada:Jubaland