U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay mowqifka Somaliland ee ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Somaliland diyaar u tahay in labada dhinac goob fagaare loo wada dhan yahay ay kuwada hadlaan cid welibana ay ku garnaqso karto waxaana uu intaas ku daray in labada dhinac hadalkooda uu horay u furnaa waxaana uu yiri.

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hadal oo Soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare”.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday salaadiin ka soo jeeda Somaliland oo dhowaan warbaahinta ka soo muuqday iyaga oo dalbanayo in kaalintoodalaga siiyo wadahallada labada dhinac madaxweynaha ayaa digniin u diray Salaadiintaasi.

“Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray in uu jiro shir hadda la isku og yahay oo la iclaamiyey in dhowaan loo qabanaayo labada dhican Soomaaliya iyo Somaliland EGAD ama beesha caalamka oo la soo ogeysiiyey. “

Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee ku soo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bogaadiyey u diyaargarowga iyo ka hortagga loogu jiiro xanuunka COVID-19, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha

Goobjoog News