U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Xaaladda Colaadeed Ee Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, sagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka Coronavirus.

Madaxweynuha  oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa  waxaa uu sheegay in dhammaan bulshada  Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horrayn waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey hormuudka beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.”

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.

“Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.”

Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynuhu bulshada kala hadlay xanuunka halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Ugu dambayntii Madaxweyne   Biixi Cabdi waxaa  uu si qoto dheer  uga hadlay arrinta Qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka yimaada.

Goobjoog News