U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi oo Maxaabiis Cafis u Fidiyey

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa cafis loogu fidiyey maxaabiista ku xiran deegaannada kala duwan ee Somaliland.

Wareegtada madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, ayaa waxaa cafiskeeda ka faaiidaysan doono ku dhowaad 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) kuwaas oo loo haysto dambiyada aan cusleyn sida dilka oo kale.

Wareegtada ka soo baxday maanta madaxweynaha Somaliland ee cafiska loogu fidiyey maxaabiista ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo xabsiyada Somaliland ay ku jiraan maxaabiis ku eedeysan dambiyo aan sidaas u cusleyn walow ay jirto cabdida ku aadan xanuunka Coronavirus kaas oo xalay kiisas ka mid ka laga xaqiijiyey Somaliland.

                                                                                                      Halkaan ka Akhriso:

Goobjoog News