U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ku qotoma xaaladaha guud iyo si gaar ah xaalada abaaraha iyo amni deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa waxaa si gar ah kulankooda diiradda ugu saaray  xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo dowladda Hirshabelle Sida gurmadka abaaraha, sugidda amniga,sare u qaadida mashaariicda horumarineed iyo dhisidda awoodaha hay’adaha kala duwan ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh maamulka, Safiirka ayaa dhankiisa xusay midowga yurub uu sare u qaadayo taageerada uu siiyo Hirshabeelle.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho uu kaga qeyb galay shirka wadatashiga qaran, kaas oo u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira, waxaana Midowga Yurub Hirshabeelle uu ka taageeraa arrimo dhowr ah oo ay ku jirto Mashaariicda Hormarineed.
Goobjoog News