U bood dhigaalka

Madaxweyne Cosoble “Dadka Tabashada Qaba Ee Reer Hiiraan Waan La Fariisanaynaa”

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya  magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay soconayaan kulamo wada tashi ah oo u dhaxeeya madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee Baladweyne.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo xalay ku hoyday magaalada Baladweyne ayaa sheegay inuu la fariisan doono cid walba oo tabasho ka qabta dhismaha dowlad goboleedkiisa oo reer Hiiraan qeyb kamid ah ay weli diidan yihiin.

Hoyga uu ka deggan yahay magaalada Baladweyne Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayuu ku booqday madaxweynaha waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah.

Kulamada ka socda magaalada Baladweyne waxaa qeyb ka ah xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka, siyaasiyiin, masuuliyiinta gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulamadani ayaa looga wada hadlayaa cabashada ay qabaan qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo duubabdkooda dhaqanka oo iyagu aan ka qeyb qaadan dhismaha maamulka Hirshabeelle wax taageero ah gacan iyo afba.

Lama oga waxa ka soo bixi doona kulamada ka soconaya magaalada Baladweyne iyo saacadaha ay qaadan doonaan hase yeeshee waxaa qorshaha uu yahay in saxaafadda si wadajir ah loola hadlo markii ay soo gabageboobaan.

Goobjoog News