U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani “Ciidanka Waajib Ayaa Ka Saaran Sugidda Amniga Gobolka Mudug”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay saraakiisha ciidamada Booliiska ee gobolka Mudug iyo waxgaradka gobolkaasi ayaa sheegay in waajib ka saaran yahay ciidamada iney sugaan ammaanka guud ee gobolkaasi.

Wuxuu ku dhaliilay ciidamada maamulkiisa ee ku sugan Gaalkacyo in aanay shaqo qaban, islamarkaana maqaayadaha iska fariistaan, markii ay madax imaaneysana ay soo labistaan.

Dani ayaa sheegay in ay dhammaatay arrintaasi oo aanay aqbali doonin askari aan bulshada u shaqeyn.

“Dadka waxay nagu xanteen markaan soo galeynay magaalada, maanta ciidankan labisan maxay ahayd oo markii horeba aan la arki jirin, marka in aad soo labistaan markii ay madax timaado marka kalena aad shacabka maqaayadaha ku cariirisaan wax soconeysa maahan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dani ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, isaga oo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada ee magaaladaasi.

Goobjoog News