U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani “Lacagta Ugu Horreysa Ee Qasnadda Ka Bixinno Waxaan Siineynaa…

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in qarashka ugu horreeya ee ay ka bixiyaan qasnadda dowladda ay siin doonaan ciidamada iyo sidoo kale shaqaalaha maamulkaasi.

Dani ayaa sheegay in ciidanku uu yahay midka suga amniga, waqti badanna ku bixiya, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin in bil walbo la siiyo xuquuqdooda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Dani in sidoo kale shaqaalaha Puntland iyaguna xaqooda la siin doono bil walba, lacagta ugu horreysa ee laga bixiyo qasnadda maamulkana lagu bixinayo mushaarooyinka.

Sidoo kale madaxweyne Dani ayaa ballanqaaday in xil gaar ah la iska saari doono bixin mushaaraadka, ayna dhammaatay shaqaale ama askari lacag waaya.

Goobjoog News