U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani “Mudadii Aan Joognay Isbedal Amni Ayaan Sameennay”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa maanta waxa uu su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Su’aalaha la weydiinayey ayaa u badnaa amniga iyo sidoo kale dhanka dhaqaalaha, waxaana jiray xildhibaanno weydiiyey madaxweynaha su’aallo kulul.

Dani oo aad uga carooday su’aalaha qaar ayaa sheegay in mudadii uu xilkan hayey sameeyay isbedallo amni, dhaqaale iyo horumar.

Wuxuu sheegay in wax badan uu ka qabtay amni darradii ka jirtay magaalada Boosaaso, dhaqaalaha Puntland uu sidoo kale meel wanaagsan joogo.

Deegaanno ka maqnaa gacanta Puntland ayuu sheegay in lagu soo celiyey wax ka yar Sideed Bil, isaga oo dhanka kale sheegay in si joogto ah uu maamulkiisa u bixiyey mushaarka shaqaalaha dowladda.

Dani ayaa ugu dambeyn sheegay inaanu ahayn shaqsi shaqadiisa loogu goodiyo, islamarkaana ay jiraan xildhibaanno doonaya iney maamulka la wareegaan.

Goobjoog News