U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani Oo Xil Magacaabis Sameeyay

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:

Madaxweynaha Maamulka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wux uu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News