U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni: Dowladda Federaalaka ah waxaa Ay Ka Cago-jiideysaa Federaaleynta Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan shirkii Garoowe iyo wixii ka dhacay.

Mr. Deni waxaa uu ku hormatay arrimaha shirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo qaadey“Waxaa waajib ah in laga wada xaajoodo arrimo siyaasi ah sida qeybsiga awoodaha, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka, dastuurka iyo dhameystirkiisa iyo dhaqaalaha iyo sidii uu dalka u wada jiri lahaa in dalka ka baxayo inta marlaxad ee dalku ka baxayo dastuur dhameystiran, madax dadweynuhu si toos ah u soo doortay, baarlamaan bulshadu soo dooratay iyo sharci cad oo qeexan oo lagu wada shaqeynayo.

Golaha amniga, qodobka 111 waxaa uu qorayaa inuu yahay guddi, oo loogu talogalay khubaro, ma aha gole siyaasadeed, waxaa dhici karta iney wasiirro iyo saraakiil ciidan ka qeyb galaan, laakin siyaasadda waxaa ay u baahan tahay gole siyaasadeed.

Xeerka doorashada ee xukuumadda anisixay, Puntland iyo dowladaha kale fajiciso ayey ku noqotay, waxaa la soo jeediyey in la soo celiyo, oo laga tashado. Qeybsiga kheyraadkana waxaa lagu taliyey gole la dhisayo dib loogu soo celiyo. Sida loo qeybiyo deeqaha dibadda ka yimaada, oo maamullada ay dood ka keeneen, oo aanan joogin goobaha lagu qeybinaayo.

Madaxweyne Deni qodobada uu ka hadlay oo shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa arrinta Galmudug “Waxaa isna aad muhiim u ahaa qodobada khuseeya Galmudug, oo dood badan ka dhex jiray dowladda federaalka ah iyo  Galmudug, sanadkii la kala maqnaa Galmudug ma helin xuquuqihii ay ka heli jirtay dowladda federaalka ah, dowlaha curdinka ah sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed miisaaniyadda dowladda dhexe waxaa ugu jirta mid walba in lagu kabo miisaaniyadeeda $150,000 muddadaasi sanadka ah lacagtaas ma helin, waxaa jira lacago ka soo gala deeqaha dibadda oo la yiraahdo miisaaniyad kabid lacagaha noocaas ah lama siin iyo mashaariic kale. Waxaa jiray muran ka dashay xilliga dastuuriga ah ee xilliga, arrintaas horumar ayaa laga sameeyey, laakin xal kama dambeys ah lama gaarin.

Mr. Deni waxaa uu sidoo kale ka hadlay Labo arrin oo sabab u ah in shirka ku dhamaadey natiijo la’aan

  1. “In habkii lagu wada shaqeyn lahaa aan la isku afgaran, oo runtii u baahnaa in waqti la siiyo, golaha iskaashiga dowladda dhexe waxaa ay ka muujisay iney u baahantahay waqti ay go’aan uga soo gaarto habka wada shaqeyntaas halka dowladaha xubnaha ka ah ay u arkaan habka keliya ee qaanuuniga ah lagu wada shaqeyn karo
  2. Arrinta 2aad waa doorashooyinka iyo qeybsiga kheyeraadka in dib loo soo celiyo, arrintaas dowladda waa ka gaabsatay,

Isaga oo intaasi raaciyey “ Muddadii la kala maqnaa waxaa soo baxday in dalka shaqadiisa ku socoto si “centralized”  ah taas oo sababtay khilaaf, waxbarashada waad aragteen khilaafka ka dhashay, wixii adeeg ah waxaa leh maamullada, oo dowladda waxyar ayaa uga soo aadaya.

Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni sheegay in dowladda federaalka ah lagu tuhmayo iney ka cago-jiideyso federaaleynta dalka “Waxaan fiicneyn in dowladdii dalka isku heyn laheyd in lagu tuhmo in federaaleyntii ka caga jiideyso, arrintaas ma aha arrin qurux badan, waa arrin u baahan in la saxo, sixideedana waxaa ay u taalaa dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News