U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan oo Kawada Hadlay Doorashooyinka Soomaaliya Ku Soo Wajahan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta waxa uu madaxtooyada maamulkiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan.

Madaxweyne Deni ayaa kulanka ka dib waxa uu warbaahinta uga warbixiyay arrimihii uu kala hadlay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada soo aaddan ee Soomaaliya, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada badan leh ee ay siiso Puntland.

Dhamaadka sanadkaan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana xusid mudan in Puntland ay ka hortimid sharciga doorashooyinka ee uu saxiixay Farmaajo.

Goobjoog News