U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Boosaaso Kula Kulmay Taliyaha AFRICOM

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM Gen. Stephen J.Townsend ayaa maanta waxa ay ku kulmeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Madaxweynaha Puntland iyo taliyaha AFRICOM ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii dowlad goboleedka Puntland iyo taliska Mareykanka ee Africa ay u dhexmari lahayd wada shaqeyn xooggan.

Sidoo kale labada masuul ayaa waxa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo cirib tiri lahaa waxa ay ugu yeeraan argagixisada iyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen amaanka deegaanada Puntland oo qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii taliyaha AFRICOM uu gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose isaga oo halkaasi kulamo kula soo qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Maddobe.

Taliska AFRICOM, ayaa Soomaaliya waxa uu ka fuliyaa duqeyn dhinaca cirka ah oo uu la beegsado dhaqdhaqaaqa Al shabaab oo dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News