U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Deegaannada Puntland

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlnad Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka daah furay imtixaanka shaadiga ah arday dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu  yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo”.

Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa daahfuray Imtixaanka shaahadiga ah ee aradayda deegaannada Puntland, madaxweynaha ayaana sanadkaan Imtixaanka ka daahfuray Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, standing, sitting, table, suit and indoor

 

Image may contain: 8 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: one or more people, crowd, sky, tree, cloud, car and outdoor

Goobjoog News