U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Diiday Ansixinta Sharciga Batroolka iyo Midka Doorashada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo xalay ka hadlayey xaflad loogu dabaaldegayey sanad guurada doorashadiisa ayaa sheegay in maamulkiisu aanu qeyb ka aheyn anixinta ay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ku sameeyeen sharciga Batroolka.

Madaxweyne Saciid oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri “ Waxaad ogtihiin baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare, maalmihii u dambeysay waxaad maqasheen waxaa ay ansixinayaan xeerka Batroolka, dowladda Puntland haddii aan nahay waxaa si cad u sheegeynaa arrintaas laga ansixiyey aqalka sare iyo aqalka hoose, aaney Puntland qeyb ka aheyn”.

Madaxweynaha Puntland ayaa ammaanay Senatorada matala Puntland oo uu sheegay iney isaga baxeen shirka, isaga oo intaasi raaciyey in war rasmi ka soo saari doonaan, lana aqbali doonin in la aamuso.

Dhinaca kale, waxaa uu Deni sheegay in ay muihiim tahay in laga tashto hawlaha muhiimka, dowladda federaalka ah ay ka dhago-adeegtey.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sidoo kale ka hadlay in sharciga doorashada qudhiisu la baalmaray hannaankii wadatashiga, oo loo baahnaa in lagu ilaaliyo midnimada umadda.

Goobjoog News