U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Siyaasi Cabdi Cabdulle Jini Boqor

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid siyaasiga Cabdi Cabdulle Jini Boqor oo saakay ku geeriyooday magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Deni ayaa dhammaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumka waxa uu Alle uga baryay inuu samiir buuxa ka siiyo isaga oo marxuumka Alle u weydiiyay dhambi dhaaf waxa uuna intaas raaciyay in tiiraanyada uu la qeybsanayo ummadda reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa sheegay in siyaasi Cabdi Cabdulle Jini Boqor uu ka mid ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Puntland isaga oo intaas ku daray in marxuumku uu ka soo shaqeeyay horumarka dowladnimada Puntland iyo Soomaaliya.

Halkan ka akhriso qoraalka tacsida ah ee ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday Qardho.

Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Goobjoog News