U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddi u Gurmada Magaalada Qardho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guddi u magacaabay magaalada Qardho ka dib markii magaaladaasi ay saameyn xooggan ku yeesheen roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’ay.

Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa guddigaan uu magacaabay waxa ay ka koobanyihiin golihiisa wasiiradda, xildhibaano iyo masuuliyiin kale isaga oo guddoomiye uga dhigay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Dhabancad, waxa ayna ka shaqeyn doonaan sidii bulshada reer Qardho gargaar loo gaarsiin lahaa.

Halkaan ka akhriso magacaabista madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar:

  1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
  4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
  5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
  6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
  7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
  8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
  9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
  10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
  11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
  12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
  13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
  14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
  15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
  16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
  17. Siyaasi Cali Abdi Awaare
  18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar
  19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
  20. Guddomiyaha Degmada Qardho
  21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
  22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
  23. Axmed Cabdi Hurre
  24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)

Goobjoog News