U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ololaha Doorashada Ka Wada Gobolka Nugaal

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus ee ka tirsan Degmada Garoowe  ee gobolka Nugaal, xilli uu ku gudajiro Ololihiisa doorashada golaha deegaanka.
Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay wax muddo lasoo sugayay.
Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, horumarka Dowladdu wado, Dhismaha Wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay Bulshadu ku dooranayso.
Goobjoog News