U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Safar Ugu Anbabaxay Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta ugu anbabaxay safar  wadanka Itoobiya, waxaana ka soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan safarkiisa Addis Ababa.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in safarkiisa uu ku wajahan yahay sida la sheegay xiriirka ganacsi ee dalka Itoobiya uu la leeyahay Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa ganacsiga labada dhic ay is dhaafsadaan.

Dowladda Ethiopia iyo maamul goboleedka Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee gobolka Mudug.

Goobjoog News