U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Wasiir Cusub Ku Soo Daray Xukuumaddiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr.45 ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha maamulka  Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxweynaha ayaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , xeerka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

* Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

Goobjoog News