U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan, oo Qaaday Tallaabo Aysan Ku Dhiiran Reer Galbeedka

Sheeko:Caalamka

Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabo aysan ku dhiiran dalalka kale ee reer Yurub, kadib markii dowladda ku dhawaaqay in heshiis u ogolaanaya  dowladda Ukraine in ay dib u soo celiso soo dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee mara badda madow.

Maalinimadii Jimcihii ayaa waxaa magaalada  Istanbul heshiis  kula saxiixay dowladaha  Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay, kaas oo lagu fasaxayo in Ukrine ay soo gudbiso Qamadigii ay u dhoofin jirtay caalamka intiisa kale.

Qiimaha daladaga sarreenka ee suuqyada adduunka ayaasare  u kacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine,labada dal ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga ee dekedaha Badda Madow.

Cunno yaraanta soo food saartay caalamka ayaa loo aaneynayaa duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February ee sanadkan, heshiiska ayaa dhigaya in Ukraine ay maraakiibta ku hagto goobaha aan lahayn miinooyinka si ay badqabaan.

Dalaga beeraha gaar ahaan qamadiga oo si weyn looga baahan yahay guud ahaan caalamka ayaa ka xanniban maqaasiinno ku yaalla dekadda Odessa ee Ukraine, ku dhowaad 20 milyan oo tan ayaa lagu qiyaasay qamadiga ku xanniban dekadaas.

Ukrain ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah soo saarista Qamadiga, balse go’doominta ciidamada badda ee Ruushka ayaa curyaamiyay dhoofintii loo dhoofin caalamka intiisa kale, taas oo sababtay sare u kac ku yimaada caalamka badankii.

Goobjoog News