U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan Oo Sheegay In La Dhisayo Xero Lagu Tababaro Ciidamada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowaldda Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hadal ka jeediyay safaaradda cusub ee Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic Horumarineed.

Waxa uu tilmaamay in ay dhisayaan xarun lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka oo uu sheegay in haatanba dhismaheeda socoto, Isbitaallo iyo xarumo waxbarasho.

Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay dal u baahan in wax badan laga caawiyo maadaama uu kasoo kabanayo dagaalladii dalka ka dhacay muddo ka badan 20 sano.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aysan ka daali doonin taageerada ay siinayso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Dhinaca Mr Erdogan ayaa sheegay in mar kale uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho si uu xarigga uga jaro xarunta lagu tababari doono ciidanka Soomaaliya iyo meello kale oo muhiim ah.

Waa markii Saddexaad oo madaxweynaha dalka Turkiga Yimaado magaalada Muqdisho, waxaana turkiga ay shacabka Soomaaliyeed aad ugu Xusuustaan taageeradii hagar la’aaneed ee ay u fuliyeen shacabkii abaarta ku haysay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya sanadkii 2011.

Goobjoog News