U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan oo Sheegey in Doorashooyinka Turkiga Lagu Celin Doono

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa sheegey in doorashooyinka dalkaasi lagu celin doono haddii labada xisbi ee ugu horeeya natiijadii codeyntii dhacday ay ku guuleysan waayaan in ay soo dhisaan xukuumad muddo 45 cisho gudahood doorashada kadib sida uu qabo dastuurka dalkaasi.

“Aan dhahno xisbiga aqlabiyadda heley ama kan ku xiga waa ay soo dhisi waayeen xukuumaad, haddii ay taasi dhacdo doorashada waa ku celis” ayuu yiri Erdogan.

Xisbiga AKP ee talada haya ee uu Erdogan ka tirsanyahay ayaa heley boqolkiiba 41% kuraastii baarlamaanka, taasi oo ka yahay tiradii loo baahnaa ee aqlabiyadda ahayd si uu usoo dhiso xukuumad kaligiis.

Asxaabta kale ee mucaaradka ayaa iyaguna isku dayaya in ay soo dhisaan xukuumad haddii ay is bahaysi sameeyaan dhexdooda, laakiin taasi uma muuqato mid suurogal ah.

Waa markii ugu horeysey oo muddo 11 sano ah uu xisbiga AKP heli waayo aqlabiyad ku filan oo uu xukuumad kusoo dhiso.

Goobjoog News