U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “100 Kun Oo Doolar Ayaan Siineynaa Ciddii Soo Sheegta Gaari Qarax Sida”

Sheeko:Dalka

Madaweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlay amniga guud ee dalka, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay dalka uga saari lahayd Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamada qalabka sida iney u diyaar garoobaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab, islamarkaana ciidamadu ay qaadi doonaan howlgallo ballaaran.

“Dowlad ahaan waan isku diyaarineynaa, ciidamada qalabka sidana waa diyaar, waan howlgelineynaa maalmaha soo socda, waxaan rabaa ciidanka iney u diyaar garoobaan sidii la isaga celin lahaa qolyahan hororka ah”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo iney la shaqeeyaan dowladda Federaalka, waxaana uu balanqaadey in cid walbo oo soo sheegta gaari qaraxyo lagu soo rakibay ay siin doonaan lacag dhan 100 kun oo doolarka Maraykanka ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay baabuurta qarxaysa dadka wada meel bay kasoo baxaan, xaafado ayeey soo mareen meesha ay doonto ha ahaatee, dad baa og, waxaan rabnaa dadka og iney nala shaqeeyaan oo nasoo wargeliyaan si aan uga  hortagno arrimahan oo kale, sanakii lasoo dhaafay 2016 waxaa ku dhintay 900 qof ayaa ku dhintey weeraradii ay geysteen qoladaan hororka ah, waan raadinay inaan la macaamilno, waan raadinay inaan u yeerno kuwooda roon ee dhallinyarada ah oo aan u sameynno mehrad iyo dhaqan celin, waxaan balanqaadayaa shacabkii Soomaaliyeed dhaawacma inaan daawadooda bixinno, kuwa dhintayna aan ehelkooda joogto wax u gaarsiinno, hantidii burbutana aan caawinno oo aan dib ula dhisno wixii burburay, qofkii noo soo sheega meesha ay wax ka jiraan iyo baaburta qaraxyada wada waxaan u ballanqaadayaa 100 kun oo doolar, waxaan rabnaa inaan badbaadinno shacabka Soomaaliyeed, abaal gudkaas aan sheegnay waan bixineynaa, laamaha amniga waxaan ka codsanayaa iney feejignaadaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkan madaxweyne Farmaajo ayaa yimid kadib qarax ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo shacab ah oo shalay ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News