U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo 2 Sano: “Nabaddoon Ayaan Noqonaa” ilaa “I Cafiya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay xafladdii caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni codsaday in la cafiyo, isaguna uu cafiyey, lana shaqeyn-doono dadka wax ka tabanaya.

Mudane Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey insha Allah aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno”.

Hadda, Goobjoog News ayaa dib u raacday sababta madaxweyne Farmaajo oo 2 sano ka hor lahaa waxaa ahay nabaddoon keentay inuu maanta dhaho hala ii cafiyo.

Madaxweyne Farmaajo markii uu murashaxa ahaa waxaa uu xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah hortooda ka ballanqaaday in haddii la doorto uu isku badali-doono nabaddoon Soomaaliyeed isaga oo yiri ““Dib u heshiisiin ayaan sameynaynaa, dad walaalo ah ayaan nahay, wax aan ku kala duwannahay  maleh,  waxaa laga yaabaa siyaasiyiin inay nakala fogeynayaan balse dadka Soomaaliyeed col maahan,  waxaan xoogga saareynaa aniga haddaad i doorataan  madaxweyne noqon maayo,  nabaddoon ayaan noqonaa , waxaan ugu tagayaa cid walba  meesha ay  joogaan,  waxaa xoojinayaa oday dhaqamedyada rasmiga ah ayaan xoojinayaa  mushaar joogtana waan u qoreynaa  hadduu ilaahay hiraahdo”

Xaflad lagu caleemo saaray madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu yahay astaan u horseeday dadka inay isu soo dhowaadaan “Habeenkii  la idoortay soohdintaas waa la iskala gooshay  iyadoo aana cidna looga armar qaadan, dib ushehiisiintu ma ahan in la isa soo hor fariisto oo kaliya, mararka qaarkooda waxaa ka muhiimsan  dhacdo  iyo astaan horseeda in la isku soo dhawaado”.

Markii ugu horeysay ee baarlamaanka iyo madaxda ay casho isugu yimaadaan waxaa uu yiri ‘Beryaha dambe waxaa badatay “High expectations”, xataa waxaa la ii sheegay reer miyiga inay leeyihiin Farmaajo “High expectations”, waxaan ku gaari karnaa markii aan wada shaqeyno, oo shacabka Soomaaliyeed arkaan dowladdan inaysan khilaaf laheyn, oo 4-ta sano ee soo socota aan ku wada dhameysanno si umadda Soomaaliyeed ku wada faraxsan yihiin, runtii aniga qeybteyda, caawa waa ujeedaan in aan koofi qabo, aabaddoon ayaan ahay, Inshaa-allah wax is qaban-doono ma leh”.

Haddaba 2 sano kadib waa sidee xaaladda? 

1. 2-badii sano ee la soo dhaafay ma jirin wada hadal dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale cusub inuu jiray muranka ka dhashay maareynta deeqaha Somaliland ay dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “new deal”.

2. 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa istaagay xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kadib shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, kolkaas oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah.

3. Muddo bil ah, waxaa hakad ku jira xiriirkii wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya labada gole ee baarlamaanka federalka ah, aqalka sare iyo golaha shacabka.

3-daas qodob keliya haddii aan soo qaadanno, isqab-qabsigaas waxaa uu keenay in ay hakad galaan sharciyo badan ay sameyn lahaayeen goleyaasha sharci-dejinta federaalka ah, heshiisyo badan oo amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah ayaa u xayiran iskaashi la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo xataa wada hadalka Somaliland.

Haddaba, Su’aasha waxaa ay tahay madaxweyne Farmaajo markan maka dhabeyn-doonaa cafiska, si loo dhameystiro howlo badan oo dalkan ku hormari lahaa, oo qabyo ah ama aan laba bilaabin, kuwaas oo u baahan in looga gudbo midnimo, wada shaqeyn, tanaasul iyo odaynimmo.

Goobjoog News